Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 


Warbixinta Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne waxaan u qeybineynaa dhowr qeybood sida:
1- Aas-aaskii Xarunta Agoonta iyo
2- Qeybaha ay ka kooban tahay Xarunta oo kala ah:
A- Qeybta Dugsi Qur'aanka Kariimka.
B- Qeybta wax barashada maadiga oo ah Dugsi H/Dhexe.
C- Qeybta Jiifka Agoonta.


Qodobka 2A ilaa 2C waxaan uga hadli doonaa oo aad ka heli kartaa warbixinta qeybta waxbarashada.
  
1-
Aasaaskii Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne (XAU)Xarunta agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne (XAU) waxaa la aas-aasay sannadkii 1998, iyadoo ilaa sannadkii 2003 ay mas'uul ka ahayd hay'addii Alxarameyn ee wadanka isaga guurtay kadib markii lagu eedeeyay iney xiriir la leedahay dad lagu tuhunsan tahay fafal dembiyeedyo.

Sida aad la wada socotaan hay'adda Alxarameyn waxaa laga xannibay dhaqaalihii ay mashaariicda kheyri ah ku bixin jirtay oo ay ka mid ahayd kafaalo qaadida agoonta, iyadoo wadamo badan oo adduunka  ku yaala gaar ahaan dunida muslimka gacan weyn ka geysan jirtay xannaaneynta agoonta.

Markii ugu horeysay Xaruntaan waxaa lagu fulay ama lagu bilaabay agoon tiradoodu ahayd 50, halka ay maanta marayaan 107 (Boqol iyo todoba agoomood), xaruntaan oo soo martay marxalado kala duwan wixii ka dambeeyay 2003 oo ah markii ay  ka go'day agoontaan kafaaladii ay ka heli jireen Alxarameyn, innagoo uga hadli doono heerarkaas ay soo martay qoraaladeena dambe ee kan ku xiga, cinwaanna uga dhigeyna "Heerarkii ay soo martay Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne".

  Dib u noqo
 
Copyright © 2007  All Rights Reserved to agoonta.net, Disegned by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net