|
Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI. |
|
|
Alxarameyn dabadeed marxaladihii ay soo martay Xarunta Markii ay Alxarameyn ka caga laabatay Soomaaliya maadaama aysan dhaqaale u hayn mashaariicdii ay ka fulin jirtay dalka, Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif waxaa soo wajahday kafaalo la'aan, iyadoo wax yar kadib qeyladhaanteena ay ku baraarugeen ganacsatada gobolka hiiraan gaar ahaan kuwa magaalada B/weyne oo ah halka ay ku taal Xarunta Agoonta ee Ugaas Khaliif, iyagoo dareemsanaa faa'iidada ay adduun & aakhiraba lee dahay agoonta oo la daryeelo lana kafaalo qaado, Qur'anka & Sunnada Rasuulka (SCW) wax badan ayey inoo bayaaniyeen inaan agoonta & masaakiinta loo darnaan waxna la siiyo, waxaana ka mid ah Riix kalkaan oo aqari . Haddaba ganacsatadaasi iyagoo hiigsanayo iney helaan dembi dhaaf Alle (SW) iyo iney Rasuulka (SCW) jannada kula rafiiqaan ayey ku dadaaleen sidii ay dayaca uga ilaalin lahaayeen agoontaas, iyagoo soo gaarsiiyay dabayaaqadii sannadkii 2004 kadibna ay ku cuslaatay iney dhaqaale ku filan u helaan bil walba. Wixii markaa ka dambeeyay waxaa misane ka war helay dhibaatada lasoo deristay Agoonta ku xareysan Xaruntaan walaalaha muslimiinta gaar ahaan reer hiiraan ee dibadda ku nool, waxayna isku dayeen iney halkaa kasii amba qaadaan oo la wareegay gacan ku hayntii agoonta, si ay u gaarsiiyaan mustaqbal wanaagsan oo berrito naftooda anfaca, taasoo aan weli suurta gelin in loo helo kafaalo joogta ah agoon kasta, mar walbase wixii Alle (CW) u qoray ma waayayaan, taas ayaana keentay inaan walaalaha muslimiinta soomaaliyeed aan usoo bandhigno xaaladadooda dhabta ah ee Agoontaan, si ay wax noogal qabtaan. Agoontani waxay soo martay heerar kala duwan, iyagoo waqtiyada qaar haysteen kafaalo dhameystiran sida Jiif, Cunto, Waxbarasho iyo daryeel caafimaad, halka xilliyada qaarkoodna sidaan kor kusoo xusay aysan intaa wada heli jirin, oo marar dhowr ah inta dhaqaale loo waayay lakala diray, Alle ayaa mahad ideylkeed iska leh kasokoowna waxaa mahaddaas iska leh muslimiintii ka qeyb qaatay daryeelka agoontaan, jazaakumu Allaahu kheyran walaalayaal. Copyright © 2007 All Rights Reserved to agoonta.net, Disegned by Xasan C. Xuuriye |
|
|
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan Riix Halkaan |