Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 


Dhaqaalaha Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne

Mar haddii dhaqaale la jaangoynayo ama larabo in laga hadlayo waa lagama maarmaan in la ogaado tirada agoonta ee ku xareysan Xarunta Ugaas  Khaliif ee B/weyne, tiradaas oo miisaan ama qiyaas u noqoneysa dhaqaalaha baxaya, haddaba  xilligii ay hay'adda Alxarameyn gacanta ku hayn jirtay tirada agoontani waxay ahaayeen 50 agoomood, kharashka ku bixi jiray bishii guud ahaan wuxuu ahaa kun iyo shanboqol dollar ($1500), taas ka turjumeysa in agoon kasta ay ku baxdo ama ku filantahay soddon dollar ($30), ayna ka dabooleyso waxyaabaha soo socota:-

A- Hoyga.

B- Cuntada.

C- Waxbarashada.

D- Caafimaadka.

E- Arad bax.

F- I.W.M.

Maantana tirada agoonta xaruntani waa 107 agoomood, waxaana ilaa hadda kafaalo haysta 81 agoonmood, halka ay weli kafaalo la'aani haysato 26 agoon, inkastoo waqtigu is bedelay noloshuna daba socoto, oo intii ay $30 goyn jirtay waagaa aysan maanta kala barkeen goyn karin haddana weli waxaan ku dadaalnaa inaan qiimihii waagaa lagu bilaabay aan ku wadno, ilaa aan dhammaantood uga heleyno kafaalo insha'allaahu.

Haddaba miyaaney habbooneyn inaad adigoo Alle ka rajeynaya inuu kaa koriyo cadaabkiisa kuna siiyo raali ahaanshihiisa (Jannatul firdowsa) aad Alle dartiis agoon u kafaalo qaadid si'aad Nabiga (NNKH) jannada ugula rafiiqdid,
waayo xaddiis saxiix ah ayuu nebigu ku leeyahay "Anaa wakaafilu yatiimi ka haateyni" oo micnaheeda aad wada garaneysaa (Aniga iyo qofkii agoon kafaalo qaado waxaan Jannada ku wada ahaaneynaa sidaa) wuxuu isku qabtay labadiisa farood ee farta dheer iyo tan suulka soo xigta.

Walaalka iyo walaasha muslimiinta ahoow $30 oo aad bishii Alle dartiis u baxsato haddii aad awoodo culeys maleh, beer baahana wey quudineysaa ee fadlan nagala qeyb qaado daryeelka agoonta oo kafaalo qaado hal agoon adigoo buuxinaya foomkaan riix halkaan.

  Dib u noqo
 
Copyright © 2007  All Rights Reserved to agoonta.net, Disegned by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net