Waxbarashada Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne
Xaruntaan Agoonta waxay u qeybsantaa 3 qeybood oo kala ah:
A- Qeybta Dugsi Qur'aanka Kariimka.
B- Qeybta wax barashada maadiga oo ah Dugsi H/Dhexe.
C- Qeybta Jiifka Agoonta.
A- Qeybta Dugsi Qur'aanka Kariimka
Qeybtani waa qeybta ay Agoontu ku barato xifdinta, qorista, Aqrinta Qur'aanka Kariimka iyo axaadiista Rasuulka (SCW), Agoontu markey tukadaan salaadda subax waxay muraajeceeyaan casharadii ay hore usoo mareen, 06:30 waxa ay bilaabaan quraacda, kadibna wey isasii diyaariyaan ilaa laga gaaro 07:30 waqtigaas oo ah marka ay Dugsiga galaan, waxay waxoogaa nasasho ah qaataan 10:00 ilaa 10:20, dib ayey ugu laabtaan Qur'aankooda wuxuuna ku egyahay 12:00.
Marka lagaaro 12:30 waxay tukadaan salaadda Duhurka, dabadeedna way qadeeyaan, oo nastaan una diyaar garoobaan Iskoolka ilaa laga gaaro 13:45.
B- Warbixinta Dugsiga H/Dhexe ee Xarunta A. U
Dugsigani wuxuu ka kooban yahay 4 fasal oo kala heer ah, qaar waxaa wax ku barta fasalada 1aadka ilaa kan ugu dambeeya ay dhigtaan fasalka sideedaad.
Waxaa lagu baraa maadooyinka kala ah:
*- Maadada Carabiga.
*- " Af-soomaaliga.
*- " Sayniska.
*- " Taariikhda & Juqraafiga.
*- " Tarbiya Diiniga.
*- " Xisaabta.
*- I.W.M.
Agoontani waxay u istaagaan safka iskoolka 13:45, waxayna safka ka dareeraan 14:00 oo kala galaan fasaladooda, waxaana isla saacadaas u biloowda xisadihii iskoolka, waxay wax barashadooda qaataan ilaa laga gaaro 15:30, waqtigaas oo ah xilligii salaadda Casirka, salaadda Casirka kadibna waxoo nasasho ayey leeyihiin ilaa laga gaaro 16:00.
Waxay fasaladii dib ugu laabtaan 16:00 oo halkoodii uga sii socotaa waxbarashadii, waxayna ku egtahay ilaa 17:30, wixii markaa ka dambeeya waxay isu diyaariyaan cashadii oo ay cunaan 18:00, kadibna waxay tukadaan salaadda Maqribka 18:30.
Ilaa laga gaaro 19:30 oo waqtiga salaadda Cishaha waxaa laga caawiyaa casharadii ku adkaada ee ay maalintaas soo qaateen iyo wixii kale ee loo arko iney faa'iido u leedahay.
Ugu dambeyn waxay seexdaan 20:00, maadaama aysan maalintii helin waqti dheer oo ay ku seexdaan ama ku nastaan.
C- Warbixinta Jiifka Agoonta X. Ugaas Khaliif ee B/weyne (XAU).
Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne waxay leedahay qeyb jiif oo ka kooban 8 qol, oo afar ka mid ah ka baxsan yihiin xarunta gudaheeda, laakiin aan sidaa uga sii fogeyn oo ilaa 50 talaabo u jirta, taasoo ay ugu wacan tahay markii ay korortay laba laab tirada agoonta oo ay noqdeen 107 agoomood, halka ay markii hore ka ahaayeen 57.
Qol walba waxaa yaala sariiro uu u dhameystiran yahay firaashkooda, waxaana u dheer in sariir walba leedahay maro kaneeco, maadaama ay magaaladu leedahay kaneeco webiga mara awgeed, sariirahaas ay agoontu ku jiiftaan waa kuwa isku dul saaran laba laba, sida ay u kala weyn yihiin ayaana loo kala sare mariyaa, tusaale qofkii waxoogaa roon waxaa la seexiyaa dusha sare, iyadoo kan yarna hoos la seexiyo.