Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI. |
1- Aasaaskii Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne (XAU):
Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne (XAU) waxaa la aas-aasay sannadkii 1998, iyadoo markii ugu horeysay Xaruntaan lagu furay ama lagu bilaabay agoon tiradoodu ahayd 50 agoomood, markii xigay 57 agoomood, halka ay maanta gaarayaan 112 (Boqol toban & laba agoomood), haddaba marka laga soo bilaabo mudadaas aan kor kusoo sheeganay ilaa sannadkii 2003 waxaa mas'uul ka ahaa hay'addii Alxarameyn ee wadanka isaga guurtay kadib markii lagu eedeeyay iney xiriir la leedahay ururo & dad lagu tuhunsan yahay fafal dembiyeedyo. Sida aad la wada socotaan hay'adda Alxarameyn waxaa laga xannibay dhaqaalihii ay mashaariicda kheyriga ah ku bixin jirtay oo ay ka mid ahayd kafaalo qaadida agoonta, iyadoo wadamo badan oo adduunka ku yaala gaar ahaan dunida muslimka gacan weyn ka geysan jirtay xannaa neynta agoonta, wixii markaa ka dambeeyay waxaa agoontaan soo wajahay xaalado adag, iyagoo waqtiyada qaar haysteen kafaalo dhameystiran sida Jiif, Cunto, Waxbarasho iyo daryeel caafimaad, halka xilliyada qaarkoodna aysan intaa wada heli jirin, oo marar dhowr ah inta dhaqaale loo waayay la kala diray, Alle ayaa mahad ideylkeed iska leh kadibna waxaa mahaddaas iska leh muslimiintii ka qeyb qaatay daryeelka agoontaan, jazaakumu Allaahu kheyran walaalayaal. 2- Waxbarashada Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne Waxaa lagu baraa maadooyinka kala ah: C- Warbixinta Jiifka Agoonta X. Ugaas Khaliif ee B/weyne (XAU). Qol walba waxaa yaala sariiro uu u dhameystiran yahay firaashkooda, waxaana u dheer in sariir walba leedahay maro kaneeco, maadaama ay magaaladu leedahay kaneeco webiga shabeellee oo mara awgeed, sariirahaas ay agoontu ku jiiftaan waa kuwa isku dul saaran laba laba, sida ay u kala weyn yihiin ayaana loo kala sare mariyaa agoonta, tusaale qofkii waxoogaa roon waxaa la seexiyaa dusha sare, iyadoo kan yarna hoos la seexiyo.
Dhaqaalaha Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne A- Hoyga. B- Cuntada. C- Waxbarashada. D- Caafimaadka. E- Arad bax. F- I.W.M. Wixii talo iyo taakuleyn ah nagala soo xiriir Jazzaakumullaahu kheyran |