agoonta.net 02-05-10
Xulashada Asxaabtii Nebiga (SCW): Abu Dar Al Qafaari
"ASXAABIGII SOO ISLAAMIYAY TOLKIISOO IDIL"
Togga lagu magacaabo "WADDAAN" ayeey degganaayeen qabiilka reer Qifaari. Xoogaaga ay u soo tuuraan socotada qureysh ee u kala goosha magaalooyinka Shaam iyo Xijaaz ayeey ku noolaayeen. Mararka qaarkood waxaa dhacda inay si awood leh ay cuntada uga qaataan, waa haddii ayna siinin markaas waxay doonayeen.
Haddaba, Asxaabiga la yidhaahdo Jundub Binu Junaada, naanaystiisuna tahay Abuu Dar ayaa wuxuu ka dhashay qabiilkaas aan soo sheegnay ee Qifaari. Hase ahaatee, wuxuu qabiilkiisa kaga duwanaa isagoo ku caanbaxay
caqli hufnaan, garaad sarreeya iyo isagoo lagu yaqiinay inuusan ku niyad fayoobeen sanamyada ay caabudayeen tolkiisa. Wuxuu si daran uga soo horjeeday waxay carabtu ku sugnaayeen oo ah cibaado qaldan, iyo caqiido aan waxba ka jidhin.
Wuxuu u hanqal-taagayay inuu soo baxo Nebi cusub oo buuxiya dadka laabtooda, isla markaasna ka saara dadka mugdiyada iyo baadida ay ku sugan yihiin, una saara iftiinka iyo nuurka xaqa ah. Si kastaba ha ahaatee,
waxaa maalintii danbe Abuu Dar soo gaadhay -isagoo ku sugan miyiga- wararka sheegaya Nebiga cusub ee ka soo bixi doona magaallada Makka.
Abuu Dar oo doonaya inuu ka sal gaadho warkaas ayaa wuxuu ku yidhi walaalkiis Aniis hadalladan "Aniisow waxaad u kicitintaa Makka,
oo waxaad is-dul-is-taagtaa wararka sheegaya ninka lagu sheegay inuu yahay Nebi, oo xagga samadana looga waxyoonayo. Hadalladiisa bal noo soo dhageyso, dabadeedna iila imoow wuxuu sheegayo."
Aniis oo ay walaalo ahaayeen Abuu Dar ayaa durbadiiba u kicitimay Makka.
Nasiib wanaag, markii uu yimid Makka wuxuu la kulmay Rasuulka (scw),
wuuna dhageystay hadalladiisa, kadibna wuxuu ku soo laabtay miyigii uu ku sugnaa Abuu Dar. Abuu Dar ayaa si xiiso leh uga dhageystay walaalkiis Aniis wararkii ku saabsanaa Nebiga (scw). Aniis wuxuu ku yidhi Abuu Dar "walaahi waxaan soo arkay nin dadka ugu yeedhaya akhlaaqda suubban, isla markaasna ku hadlaya hadallo aan ahayn sixir". Abuu Dar ayaa weydiiyay Aniis "dadku maxay lahaayeen?". Aniis ayaa ugu jawaabay "waxay lahaayeen waa sixiroole, faalalow iyo gabyaa."
Markii uu Abuu Dar maqlay hadalladaas waxaa sii korodhay xiisihiisii uu u
qabay inuu soo arko Nebiga cusub, sidaa darteed wuxuu ka codsaday
walaalkiis Aniis inuu u kafaalo qaado caruurtiisa intuu maqan yahay,
sidii ayuu ugu diyaar garoobay safarka Makka, kadib markii uu aqbalay
Aniis dalabkii Abuu Dar, isagoo u dardaarmay-na inuu ka digtoonaado
dhibaatooyinka kaga imaan kara reer Makka.
Sahankii uu ugu jiray diinta xaqa ah.
Abuu Dar wuxuu u sahay qaatay safarkii Makka, isagoo horey u sii qaatay
sibraarkiisii biyaha ugu jiray, wuxuuna cagta saaray waddadii Makka, si uu uga gun-gaadho yoolkiisii ahaa inuu soo arko Nebiga iyo dhammaan wararka isaga ku saabsan. Ugu danbeyntii, wuxuu Abuu Dar yimid magaallada Makka isagoo aad uga cabsanaya inay dhibaatooyin ka soo gaadhaan reer Makka. Wuxuu Abuu Dar horey u ogaa carrada iyo ciqaabta daran ee gaallada reer Makka ay marinayaan qof kasta oo raaca ama ay naftiisa ugu sheekayso inuu raaco diinta Nebi Muxammad, sidaa darteed, wuxuu Abuu Dar dhibsaday inuu dadka weydiiyo Muxammad, maxaa yeelay ma uuna garanayn qofka uu weydiinayo markaas inuu noqon karo taageerayaasha Muxammad iyo inuu noqon karo cadowgiisa.
Cali oo marti geliyay Abuu Dar.
Markii la gaadhay habeenkii, wuxuu Abuu Dar u diyaar garoobay inuu seexdo masjidka, iyadoo uu Abuu Dar ku sugan yahay masjidka ayaa waxaa soo ag maray Cali Bin Abii Daalib Allaha ka raalli noqdee, wuxuuna gartay inuu yahay qariib ama marti, Cali ayaa ku yidhi Abuu Dar " ninyahoow kaalay oo i soo raac", sidii ayuu Abuu Dar ugu raacay Cali gurigiisa, markii la gaadhay subixii wuxuu Abuu Dar soo qaatay sibraarkii iyo qandigii uu horey u watay, wuxuuna ku soo laabtay masjidka, iyagoo aan is wareysan.
Maalintii labaad wuxuu Abuu Dar ku dhammeystay isagoo aanan weli arag Nebiga cusub ee uu ku rajo weynaa inuu arko, markii la gaadhay habeenkii kale wuxuu Abuu Dar u jiif-tagay masjidka hase yeeshee sidii hore oo kale ayaa waxaa soo ag maray -markale- Cali Binu Abii Daalib, wuxuuna ku yidhi "soow lama gaarin waqtigii uu ninkan aqoonsan lahaa gurigiisa", dabadeedna wuxuu u kaxeeyay gurigiisa, sidii ayuuna ula seexday habeenkii
labaad, iyadoo haddana sidii oo kale ayna weli is wareysan.
Waxaa dhammaatay muddadii martida markii la soo gaadhay habeenkii saddexaad, Abuu Dar-na uu gudbay muddadii martida ayaa Cali si degganaansho leh u weydiiyay, isagoo ku leh "kawaran haddaad ii sheegtid sababta aad u timid Makka?", Abuu Dar wuxuu Cali ku yidhi "haddaad ballan adag iga qaaddid inaad i tusinaysid waxaan doonayo waan kuu sheegayaa."
Cali wuxuu Abuu Dar ka ballan qaaday inuu fulin doono ballantii uu la galay
isaga, Abuu Dar wuxuu yidhi "waxaan Makka uga imid meel aad u fog,
dantayduna waa sidii aan ula kulmi lahaa Nebiga cusub iyo inaan dhageysto hadalladiisa", Farxad awgeed waxaa fur-furantay wejigii Cali Binu Abii Daalib, wuxuuna ku yidhi Abuu Dar "wallaahi ninkaad sheegtay waa Rasuulkii Alle ee xaqa ahaa", wuxuuna intaa u raaciyay "markii la gaadho subixii aniga ayaad i soo raaceysaa, haddaan arko wax aan kaaga cabsanayo waxaan u istaagayaa sida annigoo la moodo inaan daadinayo biyo oo kale, haddaan sii wato socodkana i soo raac ilaa aad ka gashid meesha aan galo."
Abuu Dar labo indhood isuma keenin habeenkaas, hilowga daran uu u qabo la
kulanka Nebiga cusub awgeed, subixii markii la gaadhay, waxay Cali iyo
Abuu Dar yimaadeen gurigii Nebiga (scw). Markii uu yimid Abuu Dar
wuxuu ku salaamay Rasuulka (scw) salaantii ay carabta isku salaami jireen ee ahayd "cimta sabaaxan" ama "subax wanaagsan", hase ahaatee Rasuulka
(scw) ayaa u sharxay inay muslimiinta isku salaamaan salaan ka duwan taas,
riwaayad kale ayaa sheegeysa inuu Abuu Dar ku salaamay Rasuulka (scw) salaanta islaamka, sidaa darteed ayaa loo yidhaahdaa wuxuu Abuu Dar ahaa qofkii ugu horeeyay ee ku salaama Rasuulka (scw) salaanta islaamka,
dabadeedna sidaas ayey ugu dhex shaacday muslimiinta.
Rasuulka (scw) wuxuu u soo jaleecay, soona qaabilay xaggii Abuu Dar, isagoo ugu yeedhaya inuu soo islaamo, wuxuu ku dul akhriyay qur'aanka, wax yar kamaba soo wareegaan ilaa durbadiiba uu Abuu Dar ku dhawaaqo towxiidka, wuxuuna ku soo biiray diintii cusbeyd isagoo weli ku sugan fadhigii iyo goobtii uu joogay Nebiga (scw). Abuu Dar wuxuu galay lambarkii afaraad ama shanaad ee soo islaama, sheekooyinka Abuu Dar ee hadhay-na bal isaga laf-ahaantiisa ha inoo sii wado.
Abuu Dar Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yidhi: Wixii intaa ka danbeeyay
waxaan magaallada Makka la joogay Rasuulka (scw), wuxuu i baray guud ahaan aqoonta la xidhiidha diinta islaamka, wuxuu igu akhriyay qaar ka mid ah qur'aanka, kadibna wuxuu igu yidhi "inaad soo islaamtay qof deggan Makka ha u sheegin, waxaan ka cabsanayaa inay ku dilaan", waxaan ku idhi
"waxaan ku dhaaranayaa Allaha ay naftayda gacantiisa ku jirto inaanan joogi
doonin Makka ilaa aan ka tago masjidka Xaramka, si kor lehna aan ugu dhawaaqo dacwada xaqa ah iyadoo ay arkayaan gaallada qureysh".
Rasuulka (scw) jawaab kama bixin, oo wuu aamusay, waxaan imid masjidka iyadoo qureysh-na ay fadhido oo ay sheekaysanayaan, dhexdooda intaan galay ayaan codkayga kor ugu qaaday annigoo leh "jamaacada
qureeshay waxaan si dhab ah u qirayaa inuuna jidhin Ilaah aan ka ahayn
Allaha xaqa ah, waxaan kaloo si dhab ah u qirayaa inuu Muxammad yahay
Adeegihii iyo Rasuulkii Alle". Hadalladaas markay si fiican u gaadheen
dhegihii qureesh hal mar ayeey si daran u fajaceen, iyagoo aad u cadheysan ayaa waxay ka kaceen fadhiyadoodii, waxayna yiraahdeen "ha la qabto kan diintiisa ka gaaloobay".
Xaggeyga ayeey soo aadeen, waxayna billaabeen inay i garaacayaan oo i dilaan, ilaa uu iga soo gaadho Cabbaas Binu Cabdil-Mudhalib oo Nebiga (scw) adeerkiis ahaa. Cabbaas ayaa isku kay daboolay, si uu ii badbaadiyo,
dabadeedna wuxuu ku yidhi "waar ma waxaad dilaysaan nin reer Qifaari ah,
iyadoo safaradiina ay maraan waddada ay deggaan reer Qifaari, sidii ayeey faraha iiga qaadeen, markaan soo miyirsaday, ayaa waxaan u imid Rasuulka (scw), markii uu arkay Rasuulka (scw) dhaawaca i soo gaadhay ayaa wuxuu yidhi "soow kaama reebin inaad islaamkaaga shaacisid", waxaan idhi "Rasuulkii Allow nafta ayaa sidaas doonaysay oo sidaas ayaan u sameeyay".
Rasuulka (scw) ayaa igu yidhi "waxaad aaddaa tolkaaga, waxaad uga sheekaysaa waxaad aragtay iyo waxaad maqashay, uguna yeer diinta Alle, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa inuu Eebbe (sw) adiga kugu anfaco iyaga, markaasna iyaga dartood aad ajar u heshid.., hadday ku soo gaadho inaan (si fiican) u soo baxay ii kaalay anniga."
Abuu Dar wuxuu yidhi: waan soo kicitimay, waxaana imid magaalooyinkii ay
degganaayeen tolkayga Qifaari, waxaa ila kulmay walaalkay Aniis, wuxuuna
igu yidhi "maxaad sameysay", waxaan ku idhi, waan soo islaamay, oo waxaan rumeeyay Eebbe (sw). Maba uuna sii joogin walaalkay Aniis, jeer uu Eebbe (sw) laabtiisa ku waasiciyay diinta islaamka, wuxuuna igu yidhi
"ma nacayo diintaada, annigana dhinacayga waan islaamay oo sidaadoo kale waan rumeeyay."
Intaa kadib, waxaan u nimid hooyadeen, waxaan u soo bandhignay diinta
islaamka, waxayna nagu tidhi "ma nacayo diintiina" sidiina ayeey ku
islaamtay. Wixii ka danbeeyay maalintaas, waxay qoyskii muslimka ahaa guda galeen inay ku dhex fidiyaan qabiilka Qifaari diinta islaamka, ilaa ay
markii danbe ka soo islaamkaan qabiilkaas khalqi aad u fara badan, dhexdoodiina laga oogay salaadda.
Inkastoo qabiilka Qifaari ka soo islaameen dad aad u fara badan, haddana qaar kale ayaa goostay inay islaamkooda la sugaan inta uu Rasuulka (scw)
ka imaanayo magaallada Madiina, hase ahaatee, kolkii uu Rasuulka (scw) soo galay magaallada Madiina way soo islaameen dhammaantood.
Maalmo kahor qabiilka Qifaari hal nin ayaa muslim ka ahaa, laakiinse waqti yar kadib wuxuu Eebbe (sw) qaddaray inay dhammaan qabiilka Qifaari ay u soo wafdiyaan Rasuulka (scw) iyagoo muslimiin ah.
Rasuulka (scw) ayaa si farxad, naxariis iyo muusood aad u weyn ku dheehan
tahay u eegay wejiyadii reer Qifaari, wuxuuna isagoo u duceenaya
ku yidhi "Qifaari Allaha u denbi dhaafo", wuxuu haddana jaleecay qabiilka reer Aslam oo iyagana ku soo islaamay gacantii Abuu Dar,
wuxuu sidoo kale iyagana Rasuulka (scw) ku yidhi "aslam Allaha nabad geliyo."
Wixii intaa ka danbeeyay, wuxuu Abuu Dar negaa miyiga, ilaa laga soo gaadho dagaalkii Badar, Uxud iyo Khandaq. Intaa ka dib, wuxuu ku soo laabtay magaallada Madiina, wuxuuna u go’ay la-jirka Rasuulka (scw), isagoo weydiistayna inuu u istaago adeegga iyo khidmada Rasuulka (scw).
Rasuulka (scw) si kal iyo laab ah ayuu uga oggolaado codsigii Abuu Dar,
wuuna ku liibaanay khidmadiisa iyo adeeggiisa.
Rasuulka (scw) si aad u fiican ayuu u soo dhoweyn jiray Abuu Dar, ma dhicin
inuu Rasuulka (scw) uu la kulmay Abuu Dar isagoon gacan qaadin oo uuna si farxad leh ugu muusoon.
Markii uu Rasuulka (scw) geeriyooday, Abuu Dar wuu u adkeysan waayay inuu ku sii negaado magaallada Madiina, kadib markii magaalladaas uu ka
dhintay sayidkeedii, ayna cidloobeen fadhiyadii cilmiga ee uu bixin jiray
Xabiibka Rasuulka (scw). Wuxuu Abuu Dar u guuray miyiga Shaam, halkaas
ayuu negaa muddadii khilaafada Abuubakar iyo Cumar dhammaantood Allaha ka raalli noqdee. Markii la soo gaadhay khilaafadii Cusmaan Binu Caffaan Ilaah ha ka raalli noqdee ayaa uu Abuu Dar yimid magaallada Dimshiq, wuxuuna arkay dadkii oo si xad dhaaf leh ugu mashquulsan adduunyada, waxay la noqotay yaab iyo amakaag, ma ahayn reero adduunyo.
Waxaa Abuu Dar loo soo bandhigay dhaldhalaalka adduunka iyo inuu xittaa madax ka noqdo Ciraaq oo wuu diiday, wuxuuna dadka aalaaba uga digi jiray
inay ku kadsoomaan fidnada adduunka iyo in laga fogaado madaxtinimo-jaceylka. La yaab malahan inuu sidaas Abuu Dar ku sifaysnaa, maxaa yeelay Rasuulka (scw) ayaa wuxuu horey u ogaa runta xeesha dheer iyo aragtida sawaabka badan ee uu xanbaarsanaa Abuu Dar, sidaa darteed wuxuu Suubbanaha Rasuulka (scw) kula dardaarmay Abuu Dar inuu badiyo dulqaadka faraha badan iyo samir badan.