|
Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI. |
|
|
الحمد لله رب العالمين والعاقبة للمتقين ولا عدوان الا على الظالمين وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله صلى الله عليه وعلى آله وصحبه وسلم أحكام الأيتام ) ) axkaamta agoonta Rabbi wuu naxariistaa ee ma naxo Geeridu waa xaq, ma dhinte waa Allah subxaanahu watacaalaa. Waxaan is weydiin lahayn ama noole kastaa uu ku qanacsan yahay in muddo ka dib uu ka shiraacan doono adduunka, qof aan dhimanayn ma jiro ( Malaa-ik, Insi, Jinni iyo noole dhamaantii), geeri ka dib waa xisaab, waxaa xiga Janno ama Naar, Rabbi ha inoo wanaajiyo khaatumada (Aamiin). Mar haddii la dhimanayo ogoow in geerida loo siman yahay, rag iyo dumar, saqiir iyo kabiir. ma jiro qof og waqtiga iyo goorta uu dhimanayo. Bulshadu way u kala jilicsan tahay musiibada geerida, laakiin ma is waydiisay sababta had iyo goor looga hadlo agoonta ama diinteenu ay aad uga faalootay axkaamta agoonta. Allah hadii uu idmo waxaan si joogta ah u soo gudbin doonaa culuum ku saabsan: v Qeexidda Agoon, tilmaamihiisa iyo sida uu islaamku u arko agoonta. v Xaquuqda 10 ka ah ee qur’aanku ka sheegay agoonta.v Fadliga uu leeyahay agoon la kafaalo qaado.v Waajibaadka laga doonayo bulshada ay ku dhexnool yihiin agoonta.v Waajibaadka sida gaarka ah looga fadhiyo qofka kafaalo qaada agoon.v Dambiga uu leeyahay agoon la dayaco, lagu xadgudbo ama hanti agoomeed oo la dhunsado.v Qisooyin horay u dhacay oo xiriir la leh agoonta.v Iyo mawaadiic kale oo aan halkan lagu soo koobi Karin.F.g.: waxaan ka codsanaynaa dhammaan akhritayaasha sharafta leh inay wixii talo iyo tusaale ah ka geystaan sidii uu ku guuleysan lahaa mawduucan loogu talo galay sidii loo wacyi galin lahaa walaalaha aan wax badan kala socon kaalinta ay bulshada kaga jiraan agoonta iyo cidda u istaagta xanaaneytooda. Waxaa inoo xiga qoraalkii oo si rasmi ah noogu bilowda insha-Allaah. السلام عليكم ورحمة الله وبركاته agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net Go to homepage |
|
|
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan Riix Halkaan |