Cidina ma mooga xaaladda adag ee maanta ay ku noolyihiin in badan oo ka mid ah dadka soomaaliyeed ee ku nool geeska Afrika. Waxeyse xaaladdaa adagi si gaar ah u saameyneysaa dadka danyarta ah, sida agoonta, curyaamiinta iyo dadka xanuunsan-aya. Waxaa kuwaas ka mid ah oo dalkii jooga carruur agoon ah oo kumanaan gaareysa, kuwaas oo u baahan waxbarasho iyo daryeel macnawi ah ka sokow hoy, marriin, masruuf iyo daryeel caafimaad.
Caruurtaasi waxey baahi wayn u qabaan cid ilmada ka tirta, oo kalgacayl iyo xannaano dareensiisa. Waxey u baahanyihiin cid dareensiisa iney bulshada ku leeyihiin qiimo ka sarreeya iney noqdaan baalashleyaal (casseeyaal), iney noqdaan kuwa gawaarida dhaqa, iney noqdaan kuwo qashinka & haraaga maqaayada kunool. Waxey u baahanyihiin kalgacal si aaney ugu korin iskorisnimo iyo darxumo oo berrito ula korin xiqdi, danaynla'aan, ciil iyo naxariisdarro.
Bal ka waran cunug yar oo aabbihii geeriyooday marka ay carruur da'diisa ah ku yiraahdaan aabbahey baa i wacayo aan isaguna haysan aabbo waca.
Bal kawaran marka ay dhahaan carruur aabbahood nool yahay abbaa dharkaan ii soo gaday aan isaguna haaysan aabbo dhar u gada.
Bal kawaran carruurta aabbahood nool yahay marka eey u rooraan aabbayaashood aan isaguna haaysan aabbo uu u rooro oo madaxa u salaaxa ee fadhiga ku hara.
Intaa oo dhan & in kale oo aan halkaan lagu soo koobi karinba waxay qalbigaaga ku reebayaal murugo iyo calool xumo, haddaba baaqeenu wuxuu yahay walaalka muslimka ohoow "innagoo ka dabaaqtameyna dhibabkaas kore ayaan go'aansanay inaan u istaagno sidii aan wax ugu qaban lahayn dadkaa ay dhibaatadu mar walba soo gaarto gaar ahaan agoonta soomaliyeed ee daryeelka & horumarinta u baahan, sidaa daraadeed waxaan kaa codsaneynaa inaad murugaas nala dareentid oo aad gacan nagu siisid sidii aan agoonta ugaarsiin lahayn mustaqbal wax ku ool ah oo berrito iyaga wax tara".
Nasiib wanaag waxaa noqday agoontii ugu horeeyay ee aan ku bilaabeyno inaan walaalaha muslimiinta soomaaliyeed u dhex galno, ugana raadino gargaar & garab agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne.
Warbixin kooban kuna saabsan sida ay ku bilaabantay xaruntaas iyo heerka ay maanta taagan tahay halkaan ka aqriso.
Mar walba soo booqo www.agoonta.net is aad ula socoto wixii kusoo kordha web-ka.