Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017



 


agoonta.net           18-07-2010

Maalinkasta oo Jimce ah Salaada ka dib waxaa jiray Nin Iimaam ah iyo Inankiisa oo 11jir, kuna Noolaa Magaalada Amistardan (Holand), ayaa waxa ay u bixi jireen Jidadka iyo Guryaha  Magaalada ay Deganaayeen ee Amistardam, si ay ugu qaybiyaan Kitaabö yar-yar oo Ciwaankoodu ahaa Dariiqa Janada Loo maro iyo qaar kale oo iyaguna ka hadlaya Islaamka.

Hadaba Maalin ka mid ah malaamaha Salaadii Jimce ka dib waxaa lagaaray  Waqtigii Iimamka iyo Inankiisu u bixi jireen Dacwada Wadooyinka Amistardam si ay ugu Wacaan (Qaybiyaan)Kitaabada yar-yar ee ka hadlaya Islaamka, Maalintaa Jawiga Dibadu waxa uu ahaa mid aad u Qabaw sababtoo ah Baraf baa da,aaye Inankii waxa uu bilaabay in uu Xidho dhar fara badan si aanu u dareemin Qabawga, markaas ayuu Aabihii ku yiri  Abaabo diyaar ayaan ahay!  markaas ayuu Aabihii waydiiyay maxaad diyaar u tahay? Inanki ayaa ugu jawaabay, Aabo waxaa la gaadhay Waqtigii aan Qaybin lahayn kutubta Islaamiga, markaas ayuu Aabihii ugu jawaabay: waxaa dhacaya Qabaw Hawada banaankuna ma fiicna, markaas ayuu Inankii ugu jawaabay: Aabo waxaa jira halkaa Dad wali ku socda Naarta inkastoo Qabaw iyo Roobab jiraan, (Waxaw wiilku ula jeedaa dadkaa hadii aanan diinta ugu yeerin naar ayay u socdaan bacdamaa ay gaalo ahaayeen.) Ogowna inankaan waa 11 jir.

Aabihii ayaaugu jawaabay laakiin anigu uma baxayo Qabawgan, markaas ayuu Inankii Sabiga ahaa ku yidhi Aabo suurta gal ma tahay in aan anigu soo qaybiyo
Kutubta (waxaw ula jeedaa aabe ani i fasax aan kaligay aadee soona qaybiyo kutibtee) isagoo ku ce-celinya Aabihii ayaa ku yidhi waa suurta gal inta uu u dhiibay waxoogaa Kutub ah, ay uu Inankiina ugu jawaabay Aabo waad mahadsan tahay,

La saco Inankan Dadiisu waa11 sano  jir, Waxawna u baxaa xiligan Qabawga ah Wadooyinka si uu u qaybiyo Kutubtaa Islaamiga ah, waxa uu bilaabay in uu kutubta u qaybiyo Qofkii uu lakulmaba isagoo waliba albaabada xaafadaha qar qaraacaa si aw u gaarsiiyo ama ugu qaybsho kutubta guri-guri ayuu u qaraacay  laba sacaadood ka dib marka uu dhex socday Qabawga waxaa Gacantiisa ku soo hadhay Kitaab kaliya isagoo raadinayay Qofka u danbeeya ee uu siin lahaa Kitaabkan soo hadhay, lakiin Wadooyinku waa cidla oo way  haa wanayaan cidna ma socoto sabatoo ah waa qabaw cid kasta gurigeeda ayay gashay  markii uu waayay Qofnaba ayuu goostay in uu u dhaqaaqo xaga Guryaha u dhaw si uu u siiyo Kitaabkan soo haray.

Waxa uu bilaabay in uu Garaaco Albaabka Guri ku dhawaa, laakiin cidna umay jawaabin wuu ku cel-celiyay garaacii Albaabka laakiin cidana wali kamay furin, waxa uu isku dayay in uu iskaga tago laakiin wax ayaa u diidaya in uu ka tago, markii u danbaysay ayuu aad u yara Garaacay Jalaskii (Ganbaleelkii) isagoo ogayn cida uu sugayo  Wakhtigii wuu ku yara dheeraaday garaacii isagoo ka tegi raba ayaa si la ma filaan ah loo furay Albaabkii, waxaa ka furtay  Qof Dumar ah oo da'ah Wajigeedana ay Murugo ka muuqato waxay ku tidhi maxaad u baahanta tahay Inankaygiiyaw,? Inankii yaraa oo ku eegay indhihiisa Nuurku ka muuqday maadaama aw barafkaa diinta dadka gaarsiinaaye ayaa ku yidhi waan ka xumahay in aan ku dhibay ama aan kaa xanaajiyay, laakiin waxa kaliya ee aan rabo in aan kuu sheego waxaa weeye ilaahay waa ka kaliya ee ku jecel kuna caawinkara waxaanse u imid in aan ku siiyo Kitaabkaygii iigu danbeeyay kaas oo kaaga warami doona wax kasta oo ilaahay xagiisa ku saabsan iyo sidaad ku kasban karto ilaahay raali ahaanshihiisa, markaas ayu u dhiibay  kitaabkii Yaraa markaas ayay ku tidhi waad mahadsantahay Inankaygiiyaw.

((Haweneydii da'da ahayd oo xaaladeeda ka hadleysa iyo  
                         siday ku soo Islaamtay))


Todobaadkii (isbuucii) danbe markii Iimaamkii Khud badii
dhameeyay ayuu yidhi yaa su'aal qaba mise Safafka danbe ee Dumarka Qof weyn oo Dumar ah ayaa tidhi Qofna ima garanayo Jimacahan, (yacni la ima yaqaanhorena umaan iman halkan, Jimcihii horena maanan ahayn Muslim kumana aanfakirin in aan noqonayo   Muslim, Ninkaygii waxa uu Dhintay Bilo ka hor, waxaanu igaga tagay Aduunyadan kalinimo, Jimcihii tagay Jawigu waxa uu ahaa mid aad u qabaw barafna wuu da'yay waxaan goostay in aan isdilo waayo wax camal (Mustaqbal) ah iigumay hadhin Noloshan oo waan ka quustay, waxaan soo qaatay Xadhig iyo Kursi, Xadhiga waxaan ka soo laalaadiyay Qolka aan ku jiray xagiisa sare (si aan isugu dilo), Xadhigii markaan xidhay ee aan qoorta gashtay si aan isu dilo una diyar garoobay in aan iska soo deldelo ee aan kursigii isku taagay ee aan qoorta la galay kaligayna aan ahaa Murugo badana ay i hayso oo aan rabo in aan ka dhuunto Aduunkaan aan ku kaliyoobay, ayaa si lama filaan ah waxaan u maqlay qof albaabka garaacaya (ganbaleelka riixaya) waxaan goostay inaanan ka furin oo aan sugo inta uu iga tagayo, balse waxa uu ahaa qof aan tagayn balse marba marka ka danbaysa usii qaraacaya si xoogan, markaas ayaan Naftaydii la sheekaystay oo aan ku idhi qofkan kaa tagi waayay waa'ayo, markaas ayaan xadhigii intaan ka bixiyay Qoortaydii ayaan goostay in aan eego Qofkan Albaabka xoog u garaacaya, markii aan Aalbabkii Furay may rumaysan Indhahaygu waab Sabi yar (canug yar oo saqiira) oo wajigiisa ay ka muuqato farxad iyo dhoola cadayn badan ka muuqato yaab badnaa.

Kelmadii ka soo baxday Afkiisa ayaa Qabsatay Qalbigaygii dhintay islamarkaana dib u soo Noolaysay oo ka saartay rejo la'aantii, waxa uu igu yidhi Sayidadaydiiyeey waxan kuugu imid Waqtigan inaan ku idhaah ilaahay wuu ku jecel yahay waanu ku caawinayaa, ka dibna waxa uu i siiyay Kitaabkan aan sido ee Ciwaankiisu yahay 
Dariiqa Janada loo maro, Waqti  adag ayay noo  ahayd aniga iyo isagaba waayo Jawiga ayaa adkaa waxaan Aakhriyay kelmadkasta oo ku jirta Kitaabkan, markaan dhameeyay ayaa bilababay in aan Xadhigii iyo Kursigiiba meesha ka qaado waayo midkoodna iminka uma baahni oo waxba ii tari maayaan, waad i aragtaan iminka waan Farxsanahay waayo waxaan ogaaday in uu Jiro ilaah dhab ah, waxaan u imid inan idiinkaga mahad naqo Malagan yar ee aad ii soo dirteen(wiilkaan yar ee aad ii soo dirteen ) Waqti munaasib ah, ilaahay ayaa mahad iska leh, may jirin qof aan Ooyin Dadkii Masaajidka joogay, mar qudha ayaa saaxadii isla kacday iyadoo Dadkii ku Qaylinayaan Allaahu akbar-Allaahu Akbar, Imaamkii ayaa ka soo degay Mimbarkii markaa ayuu agfadhiista Inankiisii isaga oo Ooyaya.
 
Haddaba Su'aasha aan waydiinaya Naftayda iyo Dadka ku nool Caalamka Qarbiga waxaa leeyahay maxaan u gudbinay Dadka aan muslimiinta ahayn ee aan la Noolahay ee ku saabsan Diinteena Islaamka ah?* ilahay in Sabab kaaga dhigo in Qof gacantaad ku soo Muslimo ayaa kaaga khayr badan Aduunka iyo waxa yaala Xadiiskii nebiga scw.

Hussein Sulub Jama
husseinsulub14@yahoo.com

 

  

agoonta@agoonta.net  ama  kaafil@agoonta.net

Go to homepage

Copyright © All Rights Reserved to agoonta.net 2007-2010, Designed by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net