|
Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI. |
|
|
agoonta.net 06-06-10
Waxaa deeq lacageed lasoo gaarsiiyay Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne (XAU) oo ay ku nool yihiin agoon ay tiradoodu tahay 112 agoon, oo 40 ka mid ah agoontaas kaliya aay haystaan kafaalo joogta ah. Deeqdaan lacageed oo gaareysay $650 (lix boqol iyo konton doolar) ayaa waxaa soo diray qaar ka mid ah walaalaha muslimiinta soomaalida ee ku nool waqooyiga ameerika, gaar ahaan USA gobolka Minnesota (Minneapolis), lacagtaas oo ay kasoo aruurisay Cadar Faarax Laqanyo, ayey u soo wakiisheen iney soo gaarsiiso Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif, ayaa wax weyn ka dabooli doonta baahida agoonta. Deeqdaan lacageed ayaa kusoo aadeysa xilli ay gobolka gaar ahaan magaalada ay xarunta agoontu ku taal ee B/weyne ay ka jiraan dagaalo iyo fatahaado mar walba sababa barakac ku yimaada dadka deegaanka. Cadar Faarax ma aha markii ugu horeysay ee ay lacag kasoo aruuriso reer North America, iyadoo dhowr jeer sidaan oo kale lacag ay soo aruurisay ay soo gaarsiisay Agoontaan. Cadar Faarax Laqanyo iyo dhammaan inta ay lacagta kasoo qaadayba waxaan Alle (SWT) uga baryeynaa inuu sadaqadii ay la baxeen ugu bedelo dembi dhaaf, kuna xifdiyo wadamada ay joogaan, kuna abaal mariyo Jannatul firdoows maalinta qiyaamo insha'allaahu (Aamiin). Walaalaha kale ee reer North America ayaa laga codsanayaa iney ku daydaan walaalahaas kale oo ay ka qeyb qaataan u tartamidda kheyrka.
Copyright © All Rights Reserved to agoonta.net 2007-2010, Designed by Xasan C. Xuuriye |
|
|
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan Riix Halkaan |