Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 

  

Waxaan aad ugu mahad celineynaa walaalaha isku deyay iney kasoo jawaabaan hal xiraalihii toddobaadkii hore, waloow aan weli laga soo jawaabin haddana waxaa jira dad badan oo dadaal muu jiyay, oo qaarkood dhowr jeer kusoo celceliyeen markii ay jawaabo kala duwan usoo baxeen.

                       Walaalahaas waxaan ka xusi karnaa:
1- Fawziya Elmi (e-mail: fawziya@hotmail.com) oo tiri haweyneydu waxay wadatay 28 
     xabo oo Ukumood.
2- Kadar Muridi (e-mail: aweysnura@yahoo.com) oo aad iiga qosliyay kadib markii uu 
     kusoo jawaabay haweeneyda waxaa usoo haray kaliya iney yihiin Dambiishii ama 
     Salladeedii ay ku wadatay ukumaha.
3- Abdirahman Ali (e-mail: abdirahman1999@hotmail.com) oo isna soo sheegay iney 
    wadatay 49 xabo oo Ukumo ah.
4- Qaali Mohammed (e-mail: qaali95@yahoo.ca) oo iyaduna tiri haweeneydaasi waxa ay 
    wadatay 99 xabo oo ukumo ah. Dadaalkiina halkaas kasii wada.

Haddaba hal xiraalaha toddobaadkii hore & jawaabtiisii waa sida hoose:

Su'aal: Haweeney magaalada u iib geyn jirtay ukumo ayaa maalin iyadoo ukumihii la iib tagatay waxay la kulantay shil baabuur, Haweneydii waxba ma noqon laakiin ukumihii ayaa ka jajabay, waxaana la xukumay in loo mag dhabo qiimihii ukumaha, waxaa Haweneydii la weydiiyay tirada ukumaha ay wadatay, waxayna ku jawaabtay tiradooda ma garanayo laakiin markii aan laba laba u tiriyo waxaa iisoo harayay hal, haddii aan saddex-saddex u tiriyana waxaa iisoo harayay hal, haddii aan afar-afar u tiriyana waxaa iisoo harayay hal, shan shan markaan u tiriyana halbaa iisoo harayay, haddii aan lix lix u tiriyana waxaa iis oo harayay hal, laakiin markaan todoba todoba u tiriyo waxba iima soo hareyn, haddaba su'aashu waxay tahay immisa ama meeqa ukumood ayey haweeneydaasi suuqa u wadatay? 

Jawaabtii: Haweeneydaasi waxa ay wadatay 301 xabo oo ukumo ah.

Haddaba hal xiraalaha toddobaadkaan waa sida hoose:

Su'aal: Waxaad sheegtaa Saxaabi ka mid ah Saxaabadii loogu bishaareeyay Jannada iyagoo nool, wuxuuna magaciisu ka koobmaa 18 xaraf. Haddii aad isku geysid xarfaha 18, 2, 8, 3, iyo 16 waxaa kuu soo baxaaya magaalo madax wadan carbeed, haddii aad isku geyso xarfaha 15, 4, 14, iyo 5 waxaa kuu soo  baxaa geed ka mid ah geedaha la beerto ee lacuno oo mar marna aad u weynaada, kana mid ah dhirta maanka doorisa sida xashiishka iyo afyuumka iwm.?

Jawaabaha waxaad ku soo hagaajineysaa:

agoonta@agoonta.net
kaafil@agoonta.net



Dib u noqo

Copyright © 2007 agoonta.net All Rights Reserved, Disegned by Xasan C. Xuuriye