|
Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI. |
|
|
S1- Waxaad sheegtaa Bani-aadamka intii Alle abuuray ninkii ugu quruxda badnaa?. S2- Waxaa jiray nin reer Yeman ah oo dadka jinniyada qaba ku tufi jiray oo waan ka daweeyaan dhihi jiray, ninkaasi mar uu magaalada Makka soo gaaray ayey reer Qureesh u yeereen oo ku yiraahdeen nin baa naga waashay ee kaalay ku tuf oo wax ku aqri, iyagoo ula jeeda Nebi Muxammed (SCW), ninkii Yemaniga ahaa ayaa u yimid Rasuulka (NNKH) si uu wax ugu aqriyo, laakiin markii uu lakulmay Nebiga (NNKH) oo uu u sheegay inuu doonayo inuu jinka iyo waxa waalay ka daweynayo, Nebigu waxa uu bilaabay inuu aqriyo Xamdalada aan wada naqaan oo ah "Innal xamda lillaahi naxmaduhu wanastaciinuhu wanastagfiruhu ...........", Yemanigii ayaa yiri war bal kuceli oo Rasuulkuna ku celiay, haddana iigu celi ayuu yiri oo ugu celiyay, kadibna halkii uu inuu wax daweyo laga rabay isagii ayaa la weeyay oo halkii ku islaamay, haddaba waa kuma saxaabigaasi sheeg magiciisa?. S3- Waxaad sheegtaa weer (weedh) ka mid ah afsoomaaliga oo ka kooban 8 xaraf, oo haddii aad isku geyso xarfaha 678 waxaa kuu soo baxaya magac ay wadaagaan laba wadan oo deris ah, ama magaalo oo deris ah, ama laba guri oo deris, ama laba boos oo deris ah, haddii aad isku geysid xarfaha 456 ay kuu soo baxayso magac Xayawaan ay dadku cunaan, haddii aad isku geyso xarfaha 37428 waxaa kuu soo baxaya magaca weel ay dumarku aad u isticmaalaan oo ay ku adeegtaan, haddii aad isku geyso xarfaha 352476 waxaa kusso baxaya magac nebi kamid ah Nebiyadii Ilaaheey, haddii aad isku geyso xarfaha 123 waxaa kuu soo baxaya magac wax dadka aan cunin laakiin dhibaateeya?. Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto. Copyright © 2007 All Rights Reserved to agoonta.net, Disegned by Xasan C. Xuuriye |
|
|
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan Riix Halkaan |