

Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, iyo Ehelkiisa, Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).
S1- Waxaad sheegtaa Saxaabi ka mid ah Saxaabadii loogu
bishaareeyay Jannada iyagoo nool, wuxuuna magaciisu ka
koobmaa 18 xaraf. Haddii aad isku geysid xarfaha 18, 2, 8, 3,
iyo 16 waxaa kuu soo baxaaya magaalo madax wadan
carbeed, haddii aad isku geyso xarfaha 15, 4, 14, iyo 5 waxaa
kuu soo baxaa geed ka mid ah geedaha la beerto ee lacuno
oo mar marna aad u weynaada, kana mid ah dhirta maanka
doorisa sida xashiishka iyo afyuumka iwm.?
S2- Allah (SW) wuxuu dadka u abuuray iney isaga uun
caabudaan, laakiin waxaa jirta cibaado marka lasameynayo
aysan suurtagal ahayn in laba qof oo muslim ah oo adduunka
ku nool ay mar wada sameeyaan, haddii uu mar qof muslim
ahi guda galo cibaadadaas muslimiinta oo dhan weey ka
xarrimantahay iney sameeyaan isla cibaadadaas, haddaba
waxaad sheegtaa waatee cibaadadaas?
S3- Naag iyo Wiil ayaa jid isaga hor yimid, naagtii ayaa wiilkii
salaantay, markii naagtii la weydiiyay oo la yiri maxaad isku
tihiin wiika ayaa waxay tiri sidan:
* Hooyadeey ayaa hooyadiis dhashay.
* Isaga aabihii soddohdeey baa dhashay.
* Ninkeyga walaalkii waa adeerkii.
* Aabihii ayaana iqaba.
Haddaba sheeg xiriirka ka dhexeeya Naagta iyo Wiilka?