|



Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, iyo Ehelkiisa, Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).
Usbuucaan dhammaan waxaan ka wada dhignay halxiraaleyaal, weliba ka wada sheekeynaya rag iyo dumar, bal maskaxda si fiican uga shaqeysiiya oo tijaabi garaadkaaga.
S1- Wiilbaa qof dumar ah kula kulmay wadada, markaasuu ku yiri qofyahay maxaynu isku nahay?, waxay ugu jawaabtay "Hooyadeey waxay dhashay hooyadaa, soddohdeey inankeeduna waa adeerkaa", haddaba haweyneydaasi iyo wiilku maxay isku yihiin?.
S2- Waxaa wada socday 6 qofood oo 3 rag ah iyo 3 dumar ah, laba ka mid ah kaliya ayaa lammaane ka ahaa oo is qabay, 4ta kale oo 2 rag ah & 2da haweenka ah waa la kala ilaalinayaa, haddii ay isku soo haraan waxaa laga baqayaa in Zino (macsi) ay la yimaadaan. Waxay ku yimaadeen webi waxayna doonayaan iney ka gudbaan halkaas, waxaa meesha taagan dooni qaadi karta kaliya 2 qofood markiiba, haddaba iyadoo la kala ilaalinayo raggaas iyo dumarkaas sidee beey ku garai karaan webiga dhankiisa kale si ay socodkooda usii wataan?.
S3- Haweeney aad jecleyd inaad is guursataana aad ku ballanteen ayaad iyadoo nin la taagan soo martay, markaad iyadii & ninkii wada salaantay ayey ninkii ay la taagneyd ku bartay oo kugu tiri "ninkaan aan la taaganahay xaaskiisa walaalkeed waa abtigeey", haddaba saaxiibtaa iyo ninka la taagneyd maxay isku yihiin?.
Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.
agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net
Go to homepage
Copyright © 2007 All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye |