Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 

  



Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, iyo Ehelkiisa, Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin). 

Fadlan mar walba soo raaci magacaaga oo sadexan iyo wadanka aad joogto.

S1- Saxaabiga ugu Axaadith-ta badan saxaabadii Nebiga (SCW) 
      waa Abu-hureyra (RC), magacaasi waa naaneys ee sheeg
      magaciisa dhabta ah?.

S2- Diyaarad waday dad rakaab ah ayaa markii ay dulmareysay 
      magaalada Rome (Italy) ayuu duuliyihii diyaaradda 
      codbaahiyaha uga sheegay rakaabkii in diyaaraddu 
      dulmareyso Rome, saddex qof oo rakaabkii ka mid ayaa 
      yiri "Yes we se" haddaba yey u dhasheen 3daa nin?.

S3- laba nin ayaa liinta dhanaan u iib geeyay suuq khudaarta  
      lagu iibiyo, intii badneyd liintii wey iibiyeen waxaana usoo 
      haray 30 xabo ninkiiba, mid ayaa nin la deris ahaa u 
      dhiibtay 30kiisii xabo oo ku yiri saaxiib ii sii gad liintaan 3dii 
      xabo shilin, markii uu tegay ayuu kii kalena isla ninkii u 
      dhiibtay 30kii xabo oo ku yiri anna iigu gad laba xabo shilin, 
      ninkii liinta looga tegay wuu ku wareeray inuu qofba sidii uu u 
      sheegay ugu iibiyo liinta, markaas ayuu isku wada daray oo ku 
      ii biyay 5tii xababa laba shilin (60/5 =12 goobood X 2 Sh.= 24 
      shilin ayuu ku dhameeyay.

      Waxaa soo hormaray ninkii yiri iigu gad  3xabo shilin 
      (30/3=10goobX1shilin=10shilin) oo ku yiri liintii waan kuu  
      iibiyay, wuxuuna siiyay 10 shilin, wax yar ka dibna waxaa  
      yimid kii isna yiri ii gad 2xabo shilin 
      (30/2=15goobX1shilin=15shilin) oo isna siiyay 15 shilin, 
      haddaba ninka xoolaha looga tagtay waxaa ka maqan shilin, 
      ee xaggee ku maqan yahay shilinka dheeri ahi?.

Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.

agoonta@agoonta.net  ama kaafil@agoonta.net

                                                                                     Go to homepage          

    Copyright © 2007  All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net