Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017



 



Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

 

S1- Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Rasuulku (SCW) u yimid
       saxaabada, kuna yiri shan waxyaabood yaa xifdinaa ku
       dhaqmaa anna aan Jannada ugu bishaareeyaa, ama
       gaarsiinaa qof xifdiya oo ku camal fala, Abuu hureyra (RC)
       ayaa yiri yaa Rasuula-llaah aniga ayaa xifdinaa oo ku camal
       falaa, haddaba sheeg 5 taasi maxay kala ahaayeen?.

S2- Waxaad sheegtaa nebi laga soo saaray wadan african ah?.

S3- Sar dheer oo ka kooban 7 dabaq ayaad rabtaa inaad
       korto dabaqa ugu sareeya, waxaadna taagan tahay dabaqa
      1aad, waxaadna wadataa jawaan liin ah, dabaqa 2aad ilaa
      7aad mid walba waxaa jooga ciidan, dabaqa 2aad ciidanka
      jooga haddii aad liinta laba labo usiiso waxaa kuu soo haraya
      1 xabo, dabaqa 3aad ciidanka jooga haddii aad saddex
      saddex u siisana waxaa kuu soo haraya 2, kan 4aad
      ciidankiisa haddaad afar afar ugu qeybiso waxaa kuu soo
      haraya 3 liin, dabaqa 5aad haddaad shan shan usiisana 4
      ayaa soo haraya, dabaqa 6aad haddaad lix lix usiiso 5 ayaa
      soo haraya, laakiin dabaqa 7aad ciidanka jooga haddaad
      todoba todoba usiiso waxba kuuma soo harayaan liinta,
      haddaba sheeg guud ahaan liinta aad waday tiradeeda?.

Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.

agoonta@agoonta.net  ama  kaafil@agoonta.net

Go to homepage

Copyright ©2007-2010  All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net

Thamad Al-azdi