Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017



 




Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

S1- Waxaa jiray nin reer Yeman ah oo dadka jinniyada qaba ku tufi
         jiray oo waan ka daweeyaan dhihi jiray, ninkaasi mar uu
         magaalada Makka soo gaaray ayey reer Qureesh u yeereen oo ku
         yiraahdeen nin baa naga waashay ee kaalay ku tuf oo wax ku
         aqri, iyagoo ula jeeda Nebi Muxammed (SCW), ninkii Yemaniga
         ahaa ayaa u yimid Rasuulka (NNKH) 
si uu wax ugu aqriyo,
         laakiin markii uu lakulmay Nebiga (NNKH) oo uu u sheegay inuu
         doonayo inuu jinka iyo waxa waalay ka 
daweynayo, Nebigu waxa
         uu bilaabay inuu aqriyo Xamdalada aan wada naqaan oo
          ah "Innal xamda lillaahi naxmaduhu wanastaciinuhu 
         wanastagfiruhu ...........", Yemanigii ayaa yiri war bal kuceli oo
         Rasuulkuna ku celiay, haddana iigu celi ayuu yiri oo ugu celiyay,
         kadibna halkii uu inuu wax daweyo laga rabay isagii ayaa halkii
         ku islaamay, haddaba waa kuma saxaabigaasi sheeg magiciisa?.

S2- Waxaad sheegtaa Saxaabigii Malaa'iktu ka xishoon jirtay?.

S3- Geedmiroodka wadankeena ka baxa waxaa ka mid ah geed  
        waxa uu dhalo aan aad u wada jecelnahay yar iyo weynba, 
        waxa uuna ka kooban yahay 4 xaraf kaliya, haddii 4taa xaraf 
        gadaal laga soo aqriyo waxaa kuu soo baxaya magaca cibaado ku 
        waajib ah qof kasta oo muslim ah ee qaan gaar ah ee weliba 
        miyir qaba, awoodana inuu cibaadadaas (Waajibaadkaas) guto,
        haddaba sheeg mirahaas?.

Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailada hoose adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.

agoonta@agoonta.net  ama  kaafil@agoonta.net

Go to homepage

Copyright ©2007-2010  All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net

Thamad Al-azdi