Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Magaca: Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif, Acc. nr. 2002-0017 Dubai , ama riix halkaan
            Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Rx Halkaan 

 

 Agoonta      21-05-11

Assalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.

Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee Beledweyne ee wax ka barata dugsiga H/dhexe xaruntaas ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jiray diyaar garoowgii ugu dambeeyay oo ay isku diyaarinayeen imtixaanka sannad dugsiyeedka 2010 - 2011, kaasoo u biloowday todobaadkaan ayaa ilaa hadda si habsami ah u socda.

Mar aay saakay shabakadda agoonta.net soo booqatay dugsiga H/dhexe ee Xaruntaas si ay ugu kuur gasho imtixaanaadka halkaas ka socda ayey la kulantay maamulka iyo macallimiinta dugsiga, oo uga warbixyay qaabka imtixanka, sidoo kale waxaan la kulannay ardayda galeysay imtixaanka qaarkood, oo aan wax ka weydiinay sida uu imtixaanku u dhacayo iyo natiijada ay ka filayaan mustaqbalka, dhammaantoodna waxay warbaahinta u sheegeen iney ku qanacsan yihiin qaabka imtixaanaadka, ayna filayaan iney kaalimo wanaagsan ka geli doonaan haddii Alle idmo.

"Sida aad sawirka ka aragtaan waxa ay wax ku bartaan waa qolal jiingado ah oo waqtiyada qaar kuleyl aan lala joogi karin, waxaanse filayaa haddii walaalahooda kheyrka jecel ay u istaagaan sidii ay u dhameys tiri lahaayeen dhismaha dhulka cusub ee loo dhisaayo agoontaan iney ka reysan doonaan kuleylkaas, oo sannad dugsiyeeyka cusub ee 2011-2012 ay ku bilaaban doonaan dhismo ka wanaagsan midka ay hadda wax ku bartaan, kana bixi doonaan ijaarka muddada dheer soo jiitamaayay insha'allaahu."


Go to homepage
 
Copyright 2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye

 

 

www.agoonta.net