Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai,
Acc. nr. 2002-0017

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid
                       fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan

 

 

 






Jimco 02-Nov. 2012 (AN) Beledweyne-Somalia, 

Kulan ballaaran oo ay yeesheen waalidiinta ehel ama qaraabanimo ugu dhaw agoonta ku jirta Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne iyo maamulka Xaruntaas ayaa ka dhacay hall-ka shirarka ee Xarunta, sidoo kale waxaa lagu martiqaaday odoyaasha magaalada qaarkood, gaar ahaan kuwa degan xaafadda uy ku taal Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif, maamulada iskoolada magaalada, wakiilada shirkadaha qaarkood, qurbajoog iyo marti sharaf kale, waxaana kulanka ka hor lagu soo dhaweeyay qado sharaf loo diyaariyay ka soo qeyb galayaasha.



Qadadii kadib ayaa waxaa bilaawday oo la guda galay kullankii loo ballansanaa oo sanadkiiba mar la qabto, u jeedadiisuna ay ahayd sidii ay xiriir joogta ah u wada yeelan lahaayeen waalidiinta iyo maamulka xarunta agoonta, ayna isaga kaashan lahaayeen sare u qaadista tayada agoonta, iyadoo ay goobta ka hadleen Maamulka Xarunta Agoonta, madaxa waalidiinta, maamulaha dugsiga H/DH&Sare ee B/weyne, odoyaasha xaafadda qaarkood, ayaa gunaanadkii leysku af gartay in ay labada dhinacba waa waalidiinta iyo maamulka xaruntee uu waajib ka saaran yahay tarbiyada iyo xannaanada agoonta, sidaa awgeedna laga soo dhalaalo mas'uuliyadda wada saaran.

I




 Go to homepage
2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie