Waxaa walaalaha muslimiinta ah ee kheyrka jecel laga codsanayaa iney gacan naga siiyaan dhismaha masjid ku yaala magaalada B/weyne bartamaheeda, oo dadka qaar ay u yaqaanaan masjidka carabta, masjidkaan oo qadiim ah lana dhisay waqti fog ayaa laga fursan waayay in la dumiyo oo dib loo dhiso, kadib markii khatar loo arkay sii isticmaalkiisa ama in lagu sii tukado, dumintiina waa ay bilaabaantay sida aad sawiradaan ka arkeysaan.
Da'weynida masjidkaan ka sokoow waxaa usii dheeraa isagoo aad ciriiri u ahaa oo aan dadka ku tukada ku filleyn salaadaha qaar siiba salaadaha Jimcaha, oo dadka gudaha markii uu buux dhaafo inta badan bannaankiisa ay sii buuxiyaan maalamahaas, sida aad sawirada kale ee hoose ka arkeysidba.
Qiimeyn lagu sameeyay kharashka ku baxaya masjidkaan oo la doonayo inuu noqdo laba dabaq ayaa noqotay lacag fara badan oo ilaa dhowr boqol oo kun oo dollar gaareysa, taas oo keentay in looga fursan waayay walaalaha dibadda in laga codsado kaalmo dhaqaale.
Waxaa jira guddi loo xilsaaray dhismaha majidkaan oo ilaa 13 qofood ah, oo
dadaal weyn muujiyay kadib markii ay iyagu iska bilabeen kharashkii lagu dhisi lahaa masjidkaan, iyagoo qofka ugu yar uu bixiyay $1000, kadibna ay xiriir la sameeyeen dadka dibadda intii ay telefoonadooda heli kareen oo ay kheyr ku tuhmayeen, iyagoo aan ku hungoobin dadkii ay waceen oo qaarkood ay ku deeqeen masjidkaas $20,000, $11,000, $10,000, $5000, $3000, $1000 iyo $500, Alle (SW) ayaan uga baryeynaa inuu Jannatul firdowsa guri uga dhiso kheyr qabayaashaas iyo dhammaan inta ka qeyb qaadan doontaba (Aamiin).
Walaalayaal lacagta hadda gacanta lagu hayo ee loogu deeqay dhismaha masjidkaas waa $140,300 (Boqo & Afartan kun iyo saddex boqol dollar), taasoo ah qeyb biloow fiican balse aan wax weyn ka dabooli doonin dhismaha masjidkaan, haddaba walaalayaal innagoo og inaadan kheyrka ka hari doonin weliba aad Alle dartiis masjid u dhistid ama aad ka qeyb qaadato dhismihiisa, adigoo ku helayo darajo sare oo ah in Alle (SW) Jannada dhexdeeda guri kaaga dhisi doono sida uu Rasuulkeena (NNKH) noo sheegay "Qofkii Alle dartiis u dhisa masjid Allena wuxuu qofkaa guri uga dhisaa Jannada dhexdeeda".
Walaalayaal guri Janno dhexdeed ku yaal ma degi kartid ilaa aad reer jannaadka ka mid noqotid, taasi waxay na tuseysaa dhisid aad Alle dartiis u dhistid masjid inaan janno ku heleyno, ee Alle dartiis noo caawiya oo nagala qeyb qaata dhismaha masjidkaan.


Halkaan waxaan idiinku soo gudbineynaa liiska magacyada guddiga dhismaha masjidka magaalada B/weyne bartamaheeda ku yaala waa sida hoos ku cad:
1- Cumar Cali Cabdalla (Sh.Cumar lugey), Tel: +25215221306
2- Saalim Xaaji Cumar Jaaburi, Tel: +25215517102
3- Xaaji Cismaan Dhagaxoow, Tel: +25215564002
4- Sh. Abuukar Cali Keynaan, Tel: +25215564001
5- C/qaadir Nuur Liibaan, Tel: +2525965838
6- Ibraahim Cali Saney, Tel: +2525968863
7- Nuur Cumar Cali, Tel: +25215580621
8- Sh. Calikheyr Sh. Cumar Guure, Tel:+25215148882
9- Cali Sheekh Mux'ed (Caliseexde), Tel:+25215564184
10- C/risaaq Suusoow, Tel: +25215826181
11- Muumin C/lle Xasan, Tel: +25215576093
12- Xasan Kumbuyuutar, Tel:+25215578257
13-
Walaalaha muslimiinta ahoow wixii kaalmo iyo tabarucaad ah ee ku socda Masjidkaan waxaad ugu soo hagaajisaan Accounts-yo ama koontayaal looga furay Xawaaladaha Amaana iyo Dhabshiil oo kala ah sidaan:
Koontada Xawaaladda Amaana Online:
A/c. Name: Dhismaha Masjidka B/weyne
A/c. No.: A2009DUB7814119
DUBAI- UAE.
Koontada Xawaaladda Dahabshiil:
A/c. Name: Dhismaha Masjidka B/weyne
A/c. No.: D000204
B/weyne-Hiiraan
Wixii faah faahin dheeraad ah nagala soo xiriira:
E-mailka Guddiga Masjidka: gudiga-masjidka@hotmail.com
Telefoonka Xafiiska Guddiga: +2525964340
Jazzaakumu Allaahu Kheyran
Guddiga Masjidka