Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 


                          Maxaan anigu qaban karaa?

Walaal mudane/marwo adoo ku mahadsan in aad nasoo booqatay, haddaannu nahay walaala ka damqaday dhibaatooyinka agoonta, una istaagay iney wixii karaan kooda ah ka geystaan sidii ay daryeel & horumarin ugu heli lahaayeen agoonta. Haddaba waxaanu kuugu baaqeynaa in aad nagu soo biirtid, si aynu gacmaha isu qabsanno iyadoo hadafkeenu yahay inaan caawinno kumannaanka agoonta ah ee inoo baahan.

Malaha waad la socotaa dagaaladii, xasillooni darridii iyo dhibaatooyinkii dalka soo maray welina taagan, in ay ka tageen darxumo badan oo ku dhacday dadkeena. Dhibaatooyinkaas oo intooda badan haleelay agoonta, dadka aan laxaadkoodu dhammayn iyo guud ahaan danyarta soomaaliyeed.

Haddaba haddaynnu nahay dadka laxaadkoodu u dhanyahay ee ku nool nabad iyo caafimaad maxaa nala gudboon oo waxqabad ah? Waa maxay waajibkeenu? . Ma jiraan waxyaabo aynu qabankarno inta aynaan dhiman oo sheeko noqon?

Su'aalahaas iyo qaar lamid ah waxa isweydiiyey qaar ka mid ah dhallinyarada iyo waayeelka dibedda, ee ku kala nool qaaradaha adduunka sida:- Yururb, America, Australia, Africa & Asia . Innagoo ka mid ah ummadahaas ayey Jawaabtii waxay nala noqotay inaanu qaadano qayb ka mid ah baahidaas taagan, oo ah in aan samayno qaab lagu kafaalaqaadanayo inta ugu badan ee agoonta dalka joogta.

                      Maxaan kaaga baahannahay?

  1. Waxaan aaminsannahay inaad hayso fekrado iyo aragtiyo qaali ah oo ay habboontahay in aad naga qaybgeliso.
  2. Waxaan kaaga baahannahay in aad naga mid noqoto oo aad xubin firfircoon noqotid. Way kuu furantahay in aad hawsha iyo baahinta fekradda ka qeyb qaadatid ama haddaad adigu mashquul tahay in aad ku dadaasho soo tebinta fekerka wanaagsan.
  3. In aad walaalaha howshaan u istaagay ku taakulaysid adduun (dhaqaale) oo aad ilmo agoon ah kafaalaqaadatid, adigoo u kafaalo qaadi kara wejiyo badan faahfaahinteeda Riix halkaan
                           Dib u noqo
 
Copyright © 2007  All Rights Reserved to agoonta.net, Disegned by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net