Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 

  

Tusmooyin kooban ee Nebi Muxammed (NNKH)

1- Waxaa la iigaga fadilay nebiyada lix waxyaabood
a- Waxaa la isiiyay ereyada wax badan kulmiya ee macnaha badan 
    gudbiya.
b- Waxaa la iigu gargaaray argagax cabsiyeed oo cadawgeyga kusii
    dhaca.
c- Waxaa la ii baneeyay qaniimooyinka.
d- Dhulka waxaa la iiga dhigay masjid iyo mid wax dhaahirinaya.
e- Dadkoo dhan ayaa leysoo diray.
f- Nebiyadana waa leygu khatimay.
   Waxaa weriyay "Muslim"

2- Waxaa dhab ahaantii idiin yimid rasuul idinka dhexdiina ka yimid ayna 
    ku adag tahay wax walba oo idin dhibaya idinlana dadaalaya, 
    Mu'miniintana u turaya (Surat tawbah).

3- Anigu waxaan garanayaa dhagax igu salaami jiray Makka intaa leysoo
    bixin waan garanayaa hadda.  Waxaa weriyay "Muslim"

4- Anigu waxaan ahay qofka ugu horeeyay ee shafaaca qaadaya jannada
    dhexdeeda, waxaanan ahay nebiyada ka ay ugu badan yihiin dadka 
    raacaya.  Waxaa weriyay "Muslim"

5- Ilaaheey wuxuu iga yeeshay wadeey (saaxiibtinimo aad u xeel dheer), 
    sida uu Ibraahimba uga yeeshay wadeey. Waxaa weriyay "Muslim"

6- Anigu waxaan ahay sayidka bani-aadamka oo dhan maalinta qiyaame,
    waxaan ahay qofka ugu horeeya ee uu qabrigu ka kala dhanbalmayo 
    (loo soo horbixinayo), waxaanan ahay qofka ugu horeeyay ee 
    shafaaco qaadayo iyo qofka ugu horeeya ee laga shafeeco aqbalo. 
    Waxaa weriyay "Muslim"

7- Waxaan imaan albaabka Jannada maalinta qiyaamaha, waxaanan
     dalbayaa in leyga furo, waardiyaha ayaa wuxuu igu dhihi "Waa
     kuma?" waxaan dhahayaa waa Muxammed, wuxuu igu oranayaa
     "adigaa la ifaray inaan kaa furo" kamana furin cid adiga kaa
     horeeysay. Waxaa weriyay "Muslim"

8- Aniga waxaan leeyahay magacyo badan waxaan ahay Muxammed
    iyo Axmed, waxaan ahay Al-maaxi (kan Ilaaheey uu ku tirtirayo
    gaalnimada), waxaan ahay Al-xashir (kan uu Ilaaheey dadkoo dhan
    gadaashiis soo kulminayo), waxan ahay Al-caaqib (kan uusan ka
    dambeyneynin Nebi), waxaa weriyay Termidi & Axmed
    (Bukhaarina mid la mid ah ayuu werinayaa lambar 3268
 
   

agoonta@agoonta.net    ama   kaafil@agoont
    
Dib u noqo
Copyright © 2007 agoonta.net All Rights Reserved, Disegned by Xasan C. Xuuriye