|
Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI. |
|
|
Ma maqashay qisadii harqaanlihii (dawaarlihii) dadku ka baqi jireen? Nin miskiin ah ayaa lacag ku lahaa nin ka mid ah madaxda sare xilligii dowladihii islaamku jiri jireen, markii uu miskiinkii ka codsaday deyntiisiina ninkii madaxda ahaa wuxuu bilaabay inuu meer meeriyo, oo uu handado ama wax yeelo u geysto. Miskiinkii ayaa dacwad u gudbiyay xaruntii booliska si xaqqiisa looga siiyo ninkaan, laakiin ninka la dacweynayay oo kamid ahaa saraakiisha booliiska awgeed dacwadiisii waxba lagama soo qaadin, si kasta oo uu miskiinkaasi xaqqiisa ku heli karo ayuu albaab kasta u garaacay laakiin waxba uma hirgelin. Miskiinkii oo quus taagan ayaa qisadii uga sheekeeyay saaxiibadiis, saaxiibadiina waxay u tilmaameen nin harqaanle (dawaarle) ah oo iska dan yar ah, kuna yiraahdeen ninkaas ayaa kaaga soo qaadi kara lacagtaada ee u sheeg. Miskiinkii wuu qaadan waayay hadalkaas, waayo nin uu ilaa maxkamad ka dacweeyay waxna looga qaban waayay, inuu ninkaan isagoo kale ah xaqqiisa kasiin karo waa rumeysan waayay, balse waa dan iyo ninkeede miskiinkii ayaa is yiri bal isaga sheeg waa intaasoo warkaasi rumoobaaye. Miskiinkii wuxuu u yimid harqaanlihii (dawaarlihii) oo uu u sheegay qisadii qabsatay, harqaanlihii ayaa durbadiiba booday oo xiray goobtii shaqada kuna yiri miskiinkii ina keen, waxayna aadeen gurigii ninkii xoolaha ka qabay miskiinkaan, markey gudaha u galeen ayuu hadalkii qaatay harqaanlihii: Haddaba muxuu ahaa "Aadaankaasi" harqaanluhu sheegay, ama maxaa keenay in nin meel walba laga dacweeyay waxna laga qaban Qisadani wey sii socotaa balse tijaabi caqligaaga iyo aqoontada marka hore oo jawaabtaas isku day. |
|
|
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan Riix Halkaan |