Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI. |
|
Ma maqashay qisadii harqaanlihii (dawaarlihii) dadku ka baqi jireen? Qeybtii 2aad waxay noo mareysay iyadoo ninka lacagta laga qaadi waayay uu nin harqaanle ahi si fudud uga soo qaaday, kaddib markii uu ku cabsiiyay inuu aadaamayo haddii uusan lacagta bixin. Haddii aan halkaa kasii wadno Qeybtii 2aad: Harqaanle: Maalin maalmaha ka mid ah waqti fiid ah ayaa anigoo ag maraya guri uu deganaa nin madax ah waxaan maqlay qof dumar ah oo qeylinaya, markii aan ku leexdayna waxaan arkay ninkii madaxda ahaa oo saqraansan (cabsan), misane ku qasbaya naag wadada mareysay inuu guriga la galo oo uu xoogo iyaduna ay qeylo afka kala furtay, waxaan isku deyey inaan ka celiyo oo aan u kaalmeeyay haweyneyda, laakiin ninku waa uu xooganaa oo cabsanaa oo waan u tabar waayay, anigoo arkaaya ayuuna gurigiisa ku jiitay haweyneydii. Waan fekeray waxaanan go'aan saday inaan dad kale soo kaxeysto oo aan u kaalmeyno haweyneyda, markii aan annagoo koox ah gurigii nimid oo aan albaabkii xoog u garaacnay ayuu askar nagu soo dalbaday oo dagaal na dhexmaray, aniga dhaawac ayaa gacanta iga gaaray "wuxuu dhaawicii tusay ninkii miskiinka ahaa", harqaanlihii oo hadalkii sii wata ayaa yiri: Harqaanle: Askartii markaan waxba ka qaadi weynay ayaan isaga kala tagnay anigoo ciil iyo caro xambaarsan, habeenkuna horay u batay, wax yar markaan joogay ayaan is iri sidaani talo ma ahee maxaad sameysaa!!!, waxaa igu soo dhacay inaan galo masaajid u dhawaa guriga ninka oo intaan dhusha sare iyo meeshii laga aadaami jiray fuulo aadaan ku dhufto, si uu ninka haweyneyda haystaa u moodo in salaadii subax la gaaray, ugana baqo dadka soo baxaya ee salaada soo aadaya iyo waaga ku baryaya. Waxaan bilaabay aadaankii anigoo wax yar markaan wadaba eegaya albaabkii guriga bal inuu soo daayo, laakiin ilaa aan ka dhameeyay aadaankii uma uusan jixin jixin, haddane waxaan ku fekeray inaan aqimka raaciyo si'aan usii cabsi geliyo oo uu dhab ugu qaato, laakiin intaanan bilaabin aqimkii ayaan arkay askar fardooley ah oo luuqyadii oo dhan soo buuxisay. La soco Q. 3aad Go to home page |
|
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan Riix Halkaan |