|

Ma maqashay qisadii harqaanlihii (dawaarlihii) dadku ka baqi jireen?
Qeybtii 2aad waxay noo mareysay iyadoo Haweyneydii weli ninkii guriga ku haysto aadaankiina kusoo deyn waayay, harqaanilihiina inuu aqimka raaciyo ay ka go'neyd balse uu arkay askar fara badan oo jid walba soo buuxisay, halkaas aan kasii wadnee harqaanlihii oo weli ninkii miskiinka ahaa u wada sheekadii ahayd sida ay ku yimid "aadaanka " dadku ka baqayaan ayaa yiri:
Harqaanle: Markaan arkay askarta tirada badan waan baqay, aqimkiina maanan raacine waan iska daayay si aan ley xirin. Askartii: Waxay ku qeylinayeen "waa kuma ninka saacaddaan aadaamay?" oo dadka hurdada ka kiciyay. Harqaanlihii: Waxayna soo galeen masaajidkii iyagoo doon doonaya qofkii aadaamay waqtigaan aan weli salaaddii lagaarin. Harqaanle: intaan kor u qeyliyay oon iri "waa aniga ninka aadaamay" ayaan soo degay, markiiba inta ley qabtay ayaa la ii kaxeeyay ninkii magaalada ka madaxda ahaana la horgeegay. Taliyihii: Ma adigaa ninka xilligaan aadaamay oo dadka hurdada u diiday?. Harqaanle: Haa taliye waa aniga. Taliyihii: Ha laxiro ninkaan ilaa waagu ka baryo, subaxdiina ha la ii keeno. Harqaanle: Taliye intaadan i xirin wixii igu kallifay ma kuu sheegaa?. Taliyihii: ii sheeg. Harqaanle: Waxaan uga sheekeeyay ninkii madaxda ka midka ahaa ee haweyneyda xoogga ku kaxeystay iyo wixii na dhexmaray, iyo in tabari ii geysay inaan aadaanka miciin bido. Taliyihii: Ninkaas deg deg ha la iigu keeno, naagtana ha loo geeyo ninkeedii waan xaal marineynaaye. Harqaanle: Markiiba ciidan ayuu diray oo la keenay ninkii naagta xoogga ku haystay, taliyihii ayaana ku yiri: Taliyihii: Awoodii ayaad shacabkii u isticmaashay soow maahan?, oo dumarkiina xoog ku ka xaysanaya?. Ninkii: Taliye haa, waanse ka xumahay ee ha la i cafiyo. Taliyihii: Immisa xaas ayaad leedahay?. Ninkii: Taliye saddex xaas ayaan leeyahay. Taliyii: " iimaanka Alla kaa qaadye miyay kugu filaan waayeen". Ninkii: Naf iyo shaydaan ayaa igu qaaday Taliye, dibna u dhici mayso. Taliyihii: Ninkaan ha la mariyo diinta waxa ay ku xukunto. Harqaanle: Waxaa ninkii lagu xukumay rajmin (in dhagax lagu dilo ). Taliyihii: Adigane (Harqaanle) waxba laguuma haysto, saacaddaan laga bilaane "aaway askartii ninkaan qofkuu farta idiinku fiiqo amar waaye in lasoo qabto", adiga (harqaanle) markaad wax aragto ii soo sheeg ama aadaan ku dhufo. Harqaanle: Ninyahaw miskiinka ahi sababtaas ayey ahayd sababtii uu ninkii lacagta kaa qabay uu ku bixiyay markii aan ku cabsiiyay "Aadaanka", wuxuu ka baqaayay hadaan aadaamo oo askari timaado inaan askarta farta ugu fiiqo oo sidaa lagu ciqaabo. Ninkii miskiinka: Hadaan gartay waxa uu ninku lacabsaday oo lacagtii aan kasoo saari waayay aad si fudud iiga qaaday (Jazaaka Allaah kheyran illal jazaa) ayuu kusagoo tiyay.
Maamulaha agoonta.net
Go to homepage
Copyright © 2007 All Rights Reserved to agoonta.net, Disegned by Xasan C. Xuuriye |
|