Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 

  
07-03-10

Mahad idilkeed Alle (SW) ayey u sugnaatay, ka sokoowna waxaan halkaan uga mahad celineynaa madaxa hay'adda caafimaadka adduunka (WHO) ee gobolka Hiiraan Axmed Xaaji Faarax (daqare) oo deeq lacageed gaarsiiyay Xarunta Agoonta Ugaaska Khaliif ee B/weyne, deeqdaas lacageed oo gaareysay $1000 (kun dollar) ayaa Axmed Xaaji Faarax waxa uu gaarsiiyay 05-03-10 xarunta agoontaas, lacagtaan oo wax weyn ka tari doonta baahida agoonta ku xareysan kulleejkaas.

Maamulaha Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne Aadan Shariif Amiin oo ka gudoomay lacagtaas ayaa uga mahad celiyay walaalkii soo gaarsiiyay lacagtaas, uguna baaqay iney walaalaha kale ee muslimiinta qurba jooga ku daydaan oo ay wixii ay u heli karaan lasoo gaaraan agoontaan oo in ka yar 35% kaliya ay kafaalo haystaan, tiradooda guud ay tahay 112 agoon.

Annaguna haddaan nahay bahda agoonta.net waxaa sidaa si lamid ah uga mahad celineynaa walaalkaa sadaqada uu la baxay inuu Alle ugu bedelo wax ka kheyr badan.

Jazzaakumu allaahu kheyran
Maamulka agoonta.net

 

Go to homepage

Copyright © 2007 agoonta.net All Rights Reserved, Disegned by Xasan C. Xuuriye