Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017



 



Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Walaalaha muslimiintoow sidaan hore idiinku ballan qaadnay inaan idiin soo gudbin doonno waxrbixinta agoonta haddii alle idmo ayey maanta noo suura gashay inaan warbixintii idin siinoo fadliga Alle awgiis.

Haddaba walaalayaal agoonta ku xareysan Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne (XAU) waxaa soo maray maalmo adag oo dushooda lagu dagaalamay, dagaalkaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac dad fara badan kadib markii leysku adeegsaday hoobiyaal, kuwaasoo intooda badan iyagoo habaaw ah ku dhacayay xaafadaha magaalada, gaar ahaan goobaha ay dadka rayidka ahi gabbaadka ka dhiganayeen.

Ale mahadi ha ka gaartee waxaan u mahad celineynaa maamulaha Xarunta agoontaas Aadan Shariif oo isagu dadaal weyn ka muujiyay sidii agoontaan looga badbaadin lahaa (Alle ayaa wax badbaadiyee)hubka habaawga ah ee ku dul habsanayay goobo aan loogu tala gelin, isagoo dhammaan agoontii ku xareysneyd xarunta u kala dhiibay dadkii u ehelka ahaa.

Tusaale ahaan agoonkii ay hooyadiis nooleyd iyada ayuu farta ka saaray kana qortay telefoon ama halkii lagala xiriiri lahaa, kii labadiisii waalid dhinteena hadba qofkii ugu dhaw ama uu isagu ku kalsoon yahay, isagoo dhammaan kala haray telefoonadooda, taasoo keentay ineysan jirin agoon ay waxyeelo kasoo gaartay dagaaladii halakaas ka dhacay.

Dagaaladii markii ay joogsadeen ee qaxii laga soo laabtayna waxay dib ugu soo laabteen xaruntoodii oo halkaa kasii wateen waxbarashadoodii, innagoo u rajeyneyna tartamada ugu soo horeeya iney sidii looga bartay ay kaalimo fiican ka geli doonaan insha'allaahu.

Mar aan weydiinay maamule Aadan Shariif tirada agoonta iyo inta hadda kafaalo joogta ah haysata ayuu noogu sheegay in tirada agoontani ay tahay 112 agoon, waxaana kafaalo joogta ah haysta ayuu yiri 40 kamid ah, isagoo ka codsaday walaalaha muslimiinta iney dhameytiraan inta kale ee aan haysnay kafaalada.

Jazzaakumullaahu kheyran
Maamulka agoonta.net 


agoonta@agoonta.net
  ama  kaafil@agoonta.net

Go to homepage

Copyright ©2007-2010  All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net